Posts

Showing posts from 2021

Labo Sano kadib Qaraxii Xarunta Gobolka Benaadir

Image
Siduu Ku dhacay Qaraxu? Qiyaastii Saacad ka hor xiliga qaraxa waxaa kabaxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Denjiraha u qaabilsan Soomaaliya QM  Jeemis Iswaan oo shir lalahaa Gudoomiyaha Gobolka En. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow kadib kulankaa waxaa lagu balansanaa iney shir yeeshaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir iyo Guddoonka Gobolka iyadoona kulankaasi ahaa mid todobaadle ah oo daaranaa arimaha gobolka oo amnigu kamid ahaa. Abaaro 4:30 kii Galabnimo 24 Julaay waxaa si lama filaan ah loo maqlay jugta  Qarax aad u weyn oo  ka dhacay xarunta gobolka Benaadir halkaas oo uu shir uga socday Gudoomiyeyaasha Gobolka iyo Gudoonka Gobolka,  iyadoona goobtu mid boor, qiiq iyo holac is qabsadey………daqiiqado kadib waxaa iyaga oo dadaal muujinaya meesha soo gaarey gaadiidka deg degga ah iyagoo dhaawaca iyo meyd kuwo ku dhawaa meesha ka qaaday, waxaa isla markiiba qaraxaas ku dhintey siddeed kamid ah saraakiish gobolka laguna kala magacaabi jiray: 1. Cabdifitaax...

QABBAABIIS Qeybtii 2aad

Image
SIYAD- Jimce 28 maajo 2021-  Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane. "Cabdillaahi Suldaan Timacadde" Waxaan fadhiyaa kursiga afraad ee safka koowaad waxaa horteena taagan mid kamid ah musharixiinta u tartamaysa xilka gudoomiyaha ardada jaamacadeena, waa wiil joogiisu dheer yahay oo midab maariina leh si kalsooni ku jirto ayuu u hadlayaa suulka iyo carabkiisuna aad bey iskula socdaan, markuu hadal sheegaba waxaa lagu dhiiri galinayaa sacab si xamaasad leh gacmaha la isugu dhufanayo marna ay naga dhabqeyso Hadalada khudbadiisa waxaa ugu badnaa inuu horumar ga...

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad

Image
SIYAD- Axad 25 Abriil 2021- Waxaa ka kala goysay shanqar iridka ka soo yeertay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay. Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey. “Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?” Way garatey. Waa codkii macaanaa ee hooyadeed. Weli indhaha ma kala furin, farna ma dhaqaajin. Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto labada dhaban kama dhunkan, sidii caadada u ahaan jirtay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana Maanadeedii ma aha. Habartii oo qalbi jabsan, xaaladdeedana qaddarinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u sii dabcisay, oraahdii hore u raacisay, “Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside. Khadadii waa kaa khaboobooheey saaye.” “Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo,” ayay si kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay. Markay tiri ka dib bay la soo xumaatoy oraahdaas aan asluubta l...

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 1aad

Image
SIYAD Jimce 23 Abriil 2021- Alhriste kusoo dhawaaw taxane cusub oo ku saabsan sheekada caanka ah ee maanafaay oo uu qoray qoraaga weyn Maxamed Daahir Afrax.  Sheekadaan oo wax badan xambaarsan xiisa gooniyana kuu yeelandoonta akhrinteedu waxay si maalinle ah kala socondoontaan baraheena kala duwan ee internet-ka Siyad al-cadaadi iyo Abdisalamsiyad inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan. Hordhac uu daabacaddii koowaad 1981 u qoray Maxamed Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya. Qisada Maanafaay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan,  ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama  sida afku dareen kasta u cabbiri karo. Waa tan...

Kumaa waalan?

Image
SIYAD Jimce 23 Abriil 2021-  Nafyahay aduunyadu Waa ayaama qura e Intaan iilka lagu dhigin Oo aan mowdku kuu iman Camalkaa hagaajiyoo Wanaagaaga hooy badi. Samankii hore gaar ahaan waqtigii khilaafadii Cabaasiyiinta ayaa maalin maalamha ka mid ah khalifkii khalifaada oo la oran jiray Haaruun Al-Rashiid soo maray nin la oran jiray Bahluul oo dul fadhiya Qabuur qabuuraha ka mid ah, markaasa Haaruun ayaa si caro leh u yiri " Waryaa Bahluul ninyohow waalan gormaad caqliyeysan? " Bahaluul Intuu kacay buu orod ku fuulay geed aad u dheer oo inta cod dheer ku qayliyey ayuu yidhi "Waryaahee Haaruun, ninyohow waalan, gormaad adigu caqliyeysan? Khalifkii Amiir Haaruun intuu ku soo dhaqaaqay dhankiisa ayuu asaga oo saaran faraskiisa hoos yimid geedkuu saarnaa Bahluul oo ku yidhi: Ma anaa waalan mise adiga Qubuurta kor fadhiya? Bahaluul wuxuu yiri "maya anaa caaqil ah Haaruunow adiga boqorka sheeganaya ayaana waalan, waayo adiga Qasrigaas halkaa ka muuqda ayaad ca...

DHAGARTII NALOO MALEEGAY (DHIGAY), WELI WAAN DABA HEYNAA. (Mashruucii Babi'inta Qarannimada Soomaaliya)

Image
SIYAD Sabti 17 Abriil 2021- Daraasad ku saabsan “Qaab-dhismeedka Siyaasadeed ee baahsan ee loogu talagalay Soomaaliya”. Liiska Xulashooyinka (Decentralized Political Structure for Somalia: A Menu of Options) Waxaa diyaarintiisa iyo maal-gelintiisa masuul ka ahaa Midowga Yurub xaruntiisa Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’adda Horumarinta Qaramada midowbay. Waxaana loo xil-saaray 8 Barafasoor lataliyayaal sarena ka ahaa Machadla culuumta Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ee (London School of Economics and politics). Daraasadaan oo soo baxday sanadkii 1995kii, waxaa sida muuqata loogu talo galay sidii dalka Soomaaliya gebi ahaanba looga cirib-tiri lahaa adduunka, oo waxaa ayba ugu yeereen “Soomaaliyadii hore”. Waxaa si arrintaasi u suurto gasho midowga Yurub oo kaashanaya macalimiintaasi ku sameeyeen daraasad sida ugu haboon ee loo kala furfuri karo Soomaali iyada oo loo sameynayo dowlado faro badan oo ku saleysan Qabiil, waxaa ay si qoto dheer u qeexeen Qabiiladda Soomaalida iyo sida ay isugu xi...

Kalmada wanaagsan waxay bedelikartaa qof dhan noloshii

Image
SIYAD Sabti 17 Abriil 2021- Maalin maalmaha kamid ah wiilkii yaraa Toomaas Edhison wuxuu yimid guriga isagoo kayimid iskuulka, wuxuu warqad uu waday udhiibay hooyadii kuna yiri " hooyo warqadaan waxaa isoo dhiibay macalinka wuxuuna I yiri " hooyadaa warqadaan ugee hana aqrido kaligeed ", hooyadii waxay bilowday inay warqadii aqriso, wiilkii yaraana inta horteed fariistay ayuu isaga oo dhoolacadeynaya ku yiri " maxay leedahay warqaddu ?" Hooyadii indhaheeda illin ayaa soo joogsatay kadibna waxay bilowday inay warqadda kor ugu aqrido wiilkeeda.... " wiilkaagu waa wiil hanad ah (hibo leh, cabqari ah, hal-abuur leh maskaxdiisu ay cajiib tahay), Iskuulkaan isaga mid u qalma ma ahan aadbuu Iskuulkaan u yaryahay mana lahan macalimiin ku filan oo isaga waxbara', fadlan adigu waxbar "!. Hooyadii waxay bilowday inay wiilkeeda waxbarato...muddo ayay wax baraysay kamana quusan maalinna illaa ajashii u timid oo ay aduunka katagay, sanado badan kadib geerid...