Kumaa waalan?

SIYAD Jimce 23 Abriil 2021- 
Harun arrashid iyo bahluul


Nafyahay aduunyadu
Waa ayaama qura e
Intaan iilka lagu dhigin
Oo aan mowdku kuu iman
Camalkaa hagaajiyoo
Wanaagaaga hooy badi.

Samankii hore gaar ahaan waqtigii khilaafadii Cabaasiyiinta ayaa maalin maalamha ka mid ah khalifkii khalifaada oo la oran jiray Haaruun Al-Rashiid soo maray nin la oran jiray Bahluul oo dul fadhiya Qabuur qabuuraha ka mid ah, markaasa Haaruun ayaa si caro leh u yiri " Waryaa Bahluul ninyohow waalan gormaad caqliyeysan? "

Bahaluul Intuu kacay buu orod ku fuulay geed aad u dheer oo inta cod dheer ku qayliyey ayuu yidhi "Waryaahee Haaruun, ninyohow waalan, gormaad adigu caqliyeysan?

Khalifkii Amiir Haaruun intuu ku soo dhaqaaqay dhankiisa ayuu asaga oo saaran faraskiisa hoos yimid geedkuu saarnaa Bahluul oo ku yidhi:

Ma anaa waalan mise adiga Qubuurta kor fadhiya?

Bahaluul wuxuu yiri "maya anaa caaqil ah
Haaruunow adiga boqorka sheeganaya ayaana waalan, waayo adiga Qasrigaas halkaa ka muuqda ayaad camiratay, waxaadse iloowday gurigaaga dhabta ah! intuu farta ugu fiiqay Qabrigii ayuu uraaciyay anigana kan ayaan ka fakarayaa kan ayaana ah gurigayga dhabta ah ee kumaa waalan labadeena?!

Haaruun Al-Rashiid oo hadalkii Bahluul ka gariiray waa uu ooyey ilaa garkiisa ay illintu qoysay markaas ayuu yiri " Bahluulow waan lunsanahay ee i waani oo wax ii siyaadi "
Bahluul ayaa yiri "waxaa kugu filan kitaabka Alle ee isaga laasim sunada rasuulkana raac waad liibaaniye ".

Haaruun ayaa ku jawaabay: Wax iga dalbo... Bahluul ayaa yiri: sadex shey hadaad ii sameysid waan kaaga mahad celin, sadexdaas oo ah tan:
1aad Cimriga ii siyaadi ama ii dheere!
2 baad Malakul-mowt-ka iga badbaadi!
3 aad cadaabta iga badbaadi oo janada i gali!

Haaruun Al-rashiid wuxuu ku jawaabay sadexdii su'aaloodba ma awoodo.
Bahaluul ayaa yiri: Hadaba adigu boqor ma tihid ee adaa boqor laguu yahaye ee iska key daa oo xaajadada ayaaba culuse Ilaahay kaalmo waydiiso.

Dulucda sheekada
Alle wayne ayaa ah kan awooda inuu daboolo baahi walba, ina aadam si walba oo uu hodan u yahay ama magac u helo isaga ayaa ugu baahi badan mar hadii lawada galidoono xabaasha yar ee 2da mitir ah ee madow.
Ilaaheey xaqa ha inagu wada sugo dhamanteen Aamiin.


Comments

Popular posts from this blog

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen (1001)

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 1aad