Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 1aad

maanaFaay


SIYAD Jimce 23 Abriil 2021- Alhriste kusoo dhawaaw taxane cusub oo ku saabsan sheekada caanka ah ee maanafaay oo uu qoray qoraaga weyn Maxamed Daahir Afrax.
 Sheekadaan oo wax badan xambaarsan xiisa gooniyana kuu yeelandoonta akhrinteedu waxay si maalinle ah kala socondoontaan baraheena kala duwan ee internet-ka Siyad al-cadaadi iyo Abdisalamsiyad inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee ramadaan.

Hordhac
uu daabacaddii koowaad 1981 u qoray Maxamed Aadan Sheekh, Guddoomiyihii Jaamacadda Ummada, Soomaaliya.
Qisada Maanafaay iyo qiimeheeda taariikhiga ah inta aynaan u galin, horta aan is weydiinno qisoy maxaad tahay? Runtii wax badan baa fasiraad laga bixiyey, siyaalo badanna loo rogrogey, inta ay nooc leedahayba. Hase yeeshee annaga, Soomaali ahaan, 
ahmiyad gaar ah ayaa bilowgeedu noo leeyahay. Waa marka horee afkeenna qoriddiisu dhoweyd, welina dihin, waa u tijaabo sida farshaxan qurxoon qoraal ahaan loogu bandhigi karo, ama 
sida afku dareen kasta u cabbiri karo.
Waa tan labaade, dadweyneheennu ma baran akhriska sheekooyin casri ah, maxaa yeelay af-maal bay bulshadeennu ahayd, welina kama guurin, oo isagana tijaabo cusub bay u tahay.
Waa tan saddexaade, bulshadeennu uma baran sawirka nolosheeda oo loo soo hordhigo sidii muraayad ay iska daawaneyso, kana arkayso ceebaheeda, xumaheeda iyo wanaaggeeda. Waxaan shaki ku jirin in haddii aan hore sheekooyinkeenna u qori lahayn, ama curiyayaal badani qisooyin casri ah noo hal-abuuri lahaayeen, wax weyn ayaa iska bedeli lahaa dhaqankeenna iyo aragtideenna nolosha.
Si kastaba ha ahaatee, waa nasiibwanaag haddii 
dhalinyaradeennu ay u soo jeesteen hal-abuurka noocaas ah, oo kaalin weyn ka qaadanaya koritaanka wacyiga iyo dhaqanka 
bulshadeenna. Ninna ma mooga, bay ila tahay, in dadaal badan oo dhinacaas ah ay duruufo gaar ihi hakiyeen: waxa ugu yar kuwa
ku lug leh xagga dhaqaalaha iyo xaggafarsamada, oo qoraa kasta u baahan yahay in laga kaaliyo, marka uu hawshiisa wado. 
Waxaa hubaal ah in ay markan lagama maarmaan tahay in tallaabooyin cusub laga qaado arrimahaas, mar haddiiba 
afkeennii uu si sugan ugu xididdeystey maamulka, warbaahinta, dugsiyada iyo miyiga, uuna noqday saldhigga aqoonta, waxbarashada iyo cilmi baarista dalkeenna.
Qisada maanta ina hortaal, Maana-Faay, waxay ugu horraysaa tijaabooyinka cawada yeeshay oo nooca loo baahnaa ah, waxeyna
ku soo banbaxday markii, iyada oo taxane ah, ay Xiddigta 
Oktoobar ku soo bixi jirtey, sannadkii 1979kii.
Dadweynuhu, Muqdisho iyo meel kasta oo Xiddigtu gaartaba, wuxuu u muujiyey xiisayn iyo soo dhoweyn aad u ballaaran oo 
aan hore loo arag, ilaa xad Wargeysku codsigii dadweynaha buuxin kari waayey, tiro kastoo lagu kordhiyey ee dhawr jeer la 
laba jibbaaray oo saddex jibbaaray! Bixiddaas faraha badan iyo xiisahaas xad-dhaafka ah maxaa keenay? Waxa ugu dhow oo loo 
malayn karaa waa in sheekadani si waaqici ah u dhex-gashay nolosha bulshada; qoys iyo qof, yar iyo weyn, wiil iyo gabar, intuba dareemeen in ay hab-nololeedkooda taabaneyso, iney uga 
dardaar werineyso fal-celiska dhaqankooda sii doorsoomaya, una sii tilmaameyso cawaaqibkiisa. Sidoo kale, waxay waalidku ka 
dhex arkayaan khaladaadka qaarkood ka galaan barbaarinta ubadka iyagoo wax toosi is leh
Bal u sii fiirsada hiddaha nolosha qoyska Maana-Faay, doodda dhexmareysa Axmed iyo Kulmiye, ruqaansiga Aay-Caddey iyo aragtideeda, tartanka dhalinyarada iyo figradaha kala duwan ee raggu dumarka ka qabo dumarkuna ragga ka qabo, sida waalidku u qasbo rabidda da’da cusub, iyo ugu dambaynta, dhibaatada ay 
martay nolosha Maana-Faay, oo ah shakhsiyadda sheekada oo dhan xiriirisa.
Runtii waxaa qisadan summad gaar ah u ah, in ay dadka ay ku socotaa kuwo caadi ah yihiin, ee aad noocooda maalin walba suuqa iyo guryaha kula kulmi kartid, inaan hadalkooda is-muujin 
iyo erayo culusi ku jirin; in murtida buuggu xambaarsan yahay ay dadweynaha ka soo maaxeyso.
Darsiga ugu weyn ee qiso ina soo hordhigi kartaana, ka sokow inaan akhriskeeda ku raaxaysanno ama ku madadaalanno, waa 
inay nagu qasabtaa, waliba si doqonima-garato ah, inaan gudaheenna iyo habka nolosheenna dib u dhuganno waxna ka beddello.
Waxaan qabaa in qoraaga buuggan, Maxamed Daahir Afrax, oo tijaabadan cusub sida xalladda iyo kartida leh u gudbey, uu kulligeen nagamudan yahay hambalyo iyo mahadnaq ballaaran.
Dr. M. Aadan Sheekh
TUSMADA
Mahadcelin
Xubinta 1aad
Xubinta 2aad
Xubinta 3aad
Xubinta 4aad
Xubinta 5aad
Xubinta 6aad
Xubinta 7aad
Xubinta 8aad
Xubinta 9aad
Xubinta 10aad

Xubinta 1aad
Iyadoon qofna salaamin, hareerahana eegin, bay qolkeedii halhaleel ugu gudubtay. Sariirtay isku halgaadday. Buugaagtii ay sidatayna koomadiinka dushiisay naxariis la’aan ku tuurtay. Qaar baa dhulka ku daatay. Waligoodba ha daateen. Yaa u jixinjixaya! Yaa aruursanaaya! Addimadeedii baabay aruurin kari la’dahay. 
Waa taas labadeedii lugood mid sariirta ku dul xoortay, iyadoo kabteedii wadata. Tii kale oo kabtii iskeed uga dhacdayna waxay ka lulataa sariirta qarkeeda. Bowdada waxaa ceego adag uga haya surweelka kaakiga ah ee dugsiga.Waligiisba ha uga hayo! Yaa ka fujinaaya! Yaaba ka xanuunsanaya!
Haddaad isha kor ula sii raacdid, waxaad arkaysaa shaati cad oo gacma gaab ah oo ay hoosta ka soo riixayaan laba naas oo 
dhawaan kobcay. Waxaa la moodaa in ay ka cabanayaan shaatiga turriinsha la’aanta loogu dhejiyey. Waligoodba ha ka cawdeen. Yaa
dulman ma iyaga mise guluusyada la moodo in ay sii go’ayaan? 
Kii doonaaba ha dulmanaado. Yaa isugu tagaaya!
Qofkii u soo galaa wuxuu moodi lahaa ruux suuxsan, ama mar hore gam’ay. Waa runoo indhaha way dansatay, laakiinse hurdo 
warkeed ma jiro. Indhaheeda beryahaan hurdo sooma booqan. 
Intay neef culus xoog weyn ku soo jiidday bay xoog ka sii weyn ku soo celisay, sidii iyadoo doonaysa in ay ku soo xaaqdo dhibaatooyinka maskaxdeeda rasaysan. Waxay la ahayd 
dhibaatooyinkii ifka lagu uumay idil ahaantood in ay iyada dul saaran yihiin. Qof kasta dhibaatadiisaa la culus, isagaana isla jid 
leh. Noloshaaba sida ah. Markay indhaha isku qabsatay bay maskaxdeedu isla hadalkii laba
jibbaartay. “Aah, dhib badanaa! Saan maan ku joogi karaa?  Ilaahayoow sideen wax yeelaa? Iskoolkaanaaba iigu daran. Wax 
maan barashow ka gaaraa, anigaba waa dhibaataysanahaye! 
Macallinkaasaanba nacay! Khabiid waaye. Xisaabtiis ma la fahmi 
karo. Maxay nooga baddaleen macallinkeennii fiicnaay? Sabti imtixaan waaye kuma lohoo. Sabti maahine maantana keena. 
Imtixaan imtixaan waaba la iiga daran yahee. Iskoolkaan mar lee ma la xiroo. Waa ka neebsalahaa. Laakiin qof minankaan joogto 
maa neebsaheesa. Dhib maa dhib kaaga roon? An waa yaabay! Dadkaan qaf uula hadasho maa la waayey, oo runta u sheegto. 
Maxaa la ii khasbaa? Ma rabi. Ma rabi. Ma rabi. Khasab miyaa? Cawo ma rabi, maalin ma rabi! Waalid-waalidaa la idinka badiyey. 
Ammaan lee i siiya. Waalid oo ilmihiisa xaasad u eh maa la soo arkay? Haddii iga naxaysiin wax dhibkeyga eh ma igu khasbi 
leheen. Qaftii aniga rabo ma ii diidi leheen. Sidiin rabo lee ii yeeli leheedeen. Ah! Nasiib badanaa qaf xor eh, Sahra Yuusuf camal! 
Axmed saacaddaan intees joogaa? Xafiiskii aas fadhiyaa. Ah! Maxaan u soo mari waayey? Waa u sheegaa cawada, wixiis rabo 
ha dhaho. Dhibkaan ma ku jiri karo. Maya. Maya. Ma u sheegi karo. Ceeb waaye. Mashkilad kalaa imaaheeyso. Lacalla haddii…”
Waxaa ka kala goysay shanqar iridka ka soo yeertay. Waxay dareentay qof saan culus oo u soo galay. Indhahase uma kala furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho. Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.  “Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?”....


DHAMMAAD 
Qeybtii 1aad

Comments

Popular posts from this blog

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen (1001)

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad