DHAGARTII NALOO MALEEGAY (DHIGAY), WELI WAAN DABA HEYNAA. (Mashruucii Babi'inta Qarannimada Soomaaliya)
SIYAD Sabti 17 Abriil 2021- Daraasad ku saabsan “Qaab-dhismeedka Siyaasadeed ee baahsan ee loogu talagalay Soomaaliya”. Liiska Xulashooyinka (Decentralized Political Structure for Somalia: A Menu of Options)
Waxaa diyaarintiisa iyo maal-gelintiisa masuul ka ahaa Midowga Yurub xaruntiisa Soomaaliya oo kaashaneysa Hey’adda Horumarinta Qaramada midowbay. Waxaana loo xil-saaray 8 Barafasoor lataliyayaal sarena ka ahaa Machadla culuumta Dhaqaalaha iyo Siyaasadda ee (London School of Economics and politics).
Daraasadaan oo soo baxday sanadkii 1995kii, waxaa sida muuqata loogu talo galay sidii dalka Soomaaliya gebi ahaanba looga cirib-tiri lahaa adduunka, oo waxaa ayba ugu yeereen “Soomaaliyadii hore”.
Waxaa si arrintaasi u suurto gasho midowga Yurub oo kaashanaya macalimiintaasi ku sameeyeen daraasad sida ugu haboon ee loo kala furfuri karo Soomaali iyada oo loo sameynayo dowlado faro badan oo ku saleysan Qabiil, waxaa ay si qoto dheer u qeexeen Qabiiladda Soomaalida iyo sida ay isugu xiranyihiin, inta Dowladood qabiileedyo ee loo sameyn karo hal qabiil ama qabiilo, iyada oo loo sameeynayo xaduudo goboleed iyo mid qabiileed intaba, kuwaa oo mid kasta si iskeed uga madax banaan dowlad dhexe, arrinkaas oo ay sheegeen in Soomaaliyada mustaqbalka aas aas looga dhigi karo.
Nimankaasi waxaa ay gebi ahaanba Meesha ka saareen in ay dib cagaheeda isugu taagto Soomaaliyadii hore (Somali Republic), waxaa ay si mala awaal ah isu weydiiyeen 1995kii su’aal ah: Soomaaliya imisa Dowladood ayey ayey tahay in laga dhiso Soomaaliyadii hore?
Ka jawaabidda su’aashaasi kadib, Waxaa ay soo jeediyeen ugu yaraan AFAR (4) Hab oo kala ah: -
1. Confederation
2. Federation-Federal
3. Decentralized unitary iyo
4. Consociational system
Waxaa ay innoo xuleen ugu dambeyn habka labaad ee Federaalka ah marka Labaad si ayan Soomaalidu u didin, lkn qorshuhu wuxuu yahay HABKA kowaad ee Confederationka ah oo ay hadda suuqa soo geliyeen, si loogu sii hadaaqo, ugu dambeynna loogu kala tago, halkaasna ay ku soo geba gebowdo wixii la dhihi jiray SOOMAALIYA.
Waxaa ay qorsheeyeen nimankaasi 30 sano ka dib waa ay u hirgeleen intoodii badneyn, waxay tahay in laga hortago Somalia xooggan oo isku xiran oo dowlad dhexe oo arrimeheeda maaraysa yeelata kaddibna hal cod caalamka kula sheekeysata. in kaloo dhibkeeda wadatana maalmaha na soo aadan ayey hirgelinayaan iyaga oo ku socda khidadii ay hore u jeexdeen.
Waxyaabaha cajiibka ah oo ay soo jeediyeen kuwii dalkeena u tashaday waxaa ka mid ah: -
#Jinsiyadda(Citizenship): Waxaa ay soo jeediyeen in qofku lahaan karo laba dhalasho oo kala ah midda heer federal ah iyo mid heer Dowlad qabiileed ah sida dowladaha Midowga yurub, oo ay dowlad kasta iskeed Passport iyo dhallasho u leedahay, dhalashada Midowga Yurubna u wadaagaan.
#Lacagta (Currency): Waxaa ay soo jeediyeen in Dowlad qabiileed walbo uu yeesho lacag u gooni ah, loona abuuro Banki u gooni ah, taa oo cuuryaamiysa Bankiga Dhexe oo aan markaa soo daabici karin lacagata Shilinka Soomaaliga ah, laguna qasbanaado lacagaha qalaad sida Dollar-ka iyada oo la adeegsanayo hey’adaga Caalamiga ah ee Maaliyadda sida IMF iyo World Bank oo qaadanaya hirgelinta Bankiyadaas iyo tababaridda shaqaalaas.
#Difaaca (Defense): Waxaa ay soo jeediyeen in aan marnaba loo baahneyn Ciidan Qaran oo mideysan, taas bedelkeedana ay Dowlad qabiileed kasta ay yeelato loona tababaro Daraawiish u gooni ah. Haddii arrintu intaa ka cuslaatana oo loo baahdo ciidamo xoog leh la adeegsado Midowga Africa.
#Hishiisyada (Treaty making): Waxaa ay soo jeediyeen in Dowlad qabiileed kasta ay iskeed u geli karto heshiis iyada oo u baahneyn in dowladda dhexe kala tashato, sida ay sameeyaan wadamo qaar sida Ostareeliya iyo Kanada.
#Wakiilada_dibadeedyada: Waxaa ay leeyihiin isma aamineysaan sida Kurdiyiinta ciraaq eyan u aamineynin ciraaqiyiinta kale sidaa darteen waa in dowlad qabiileed kasta ay yeelato wakiilkeeda gaarka ah ee arrimaheeda kala xaajooda wadamada shisheeye, tusaale ahaanna waxaa ay u soo qaateen Midowga Yurub iyo Imaaraadka Carabta. Sidoo kalena ay dowlad qabiileed kastaa xaq u yeelato in wakiilo shisheeye ay xarumo ka furtaan.
#Sharciyada: Waxaa ay soo jeediyeen in maamul qabiileed kasta sameysto sharciyo iyo dastuuro badan oo iska hor imaanaya, shareecada islaamkuna ay ku jirto si ay u abuuranto jahawareer baahsan oo xaga Maxkamadaha iyo maamulka intaba leh.
Macallin Cumar Jaamac oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ee magaalada Boorama, Woqooyiga Somalia, ayaa ka hadlay farriinta uu sido daraasad qarsoodi ah oo aysan ogayn inta badan umadda Soomaaliyeed oo marba cajaladdii loo shido ku mashquusha kuna marata. (Daawo Vidioga qeybta Faallada).
#GUNAANAD: Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in aynu ku dhacnay Dabinkii naloo dhigay, welina aan daba heylo sida muuqata oo qof kastoo garasho u saaxiib ah uu arkayo halka aynu naal iyo halka aynu ku soconno, oo haddeynaan is bar qaban inta goori goor tahay ay u rumoobeyso inta u hartay Cadowga Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.
Qofkii u baahan faahfaahin dheeraad ah waxaa uu akhrin karayaa Bookga oo magaca kore leh oo PDF ah.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Qalinkii: Mohamed Ismail Abdullahi
Comments
Post a Comment
Ra'yi