Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad
furine way ismoogaysiisay. Aad bay u necbayd in cidi u soo gasho.
Waxay la ahayd culays ka daran kii ay hore u dareemeysey.
“Maana-Faay! Maxaa ku daaray Maana?”
Way garatey. Waa codkii macaanaa ee hooyadeed. Weli indhaha ma kala furin, farna ma dhaqaajin. Intay hooyo ku soo booddo oo dhexda isaga duubto labada dhaban kama dhunkan, sidii caadada
u ahaan jirtay, markii ay dugsiga ka timaaddo. Maana Maanadeedii ma aha. Habartii oo qalbi jabsan, xaaladdeedana
qaddarinaysa, ayaa intay ku soo dhawaatay, codkiina u sii dabcisay, oraahdii hore u raacisay, “Joogso-hee gebertey dharka iska beddel muggoo aa khadayside. Khadadii waa kaa khaboobooheey saaye.” “Khada-khadadiina ma rabiye ammaan aan niiga helo,” ayay si
kulul ula soo boodday markii hooyadeed hadalkii ku celcelisay.
Markay tiri ka dib bay la soo xumaatoy oraahdaas aan asluubta lahayn ee iskeed uga soo fakatay, kamase toobad keenin.
Aay-Caddeey intay cabbaar iyadoo amankaag afka sacabka ku haysa ku dhaygagtay ayay dib uga soo laabatay, iyadoo cagaha jiidaysa, sidii abbaanduule goob dagaal ku soo guul darraystay.
Waa adduun! Cimrigaa dheeraadaa geel dhalaayana waa ku tusaa! Ma Maana-Faay baa qofta sidaani u dambaysey? Aaway
baarrinnimadii iyo dhega nugaylkii? Aaway qosolkii iyo qalbi furnaantii? Aaway firfircoonidii iyo sheekadii macaanayd? Aaway xishoodkii iyo xushmad ilaalintii? Aaway dabeecaddii dhan walba
dahabka ka ahayd ee ay Xamar Weynoo dhan caanka uga noqotay, habartii gabari ka qalloocataana ku hal qabsan jirtay,
Haddiin nasiib leeyahay Maana-Faay camalaan dhali lahaay? Aay-Caddeey wax ku cusub ma ahayn gabadheedu qadadii ay
maalintaas ku diidday iyo xushmad darradii ay ugu jawaabtay.
Horay buu yaabkii uga dhammaaday. Beryahaan oo dhan bay kala kulmaysay waxaas iyo wax ka daran. Xanaaqu sankuu ka saarsaaran yahay. Eray kasta oo qof qoyska ka mid ahi ku yiraahdo way dhibsanaysaa, hadduu xun yahay iyo hadduu sanyahayba wuxuu la yeelanayaa dhadhan kharaar, markaasay ama ka xanaaqaysaa ama xargo adag isku celinaysaa, uurkana ka gubanaysaa. Xataa sheekada caadiga ah ee xubnaha qoysku ku sheekaysanayaan, hadday goob joog u tahay way dhibsanaysaa,
waxay la noqonaysaa qaw qaw aan dhadhan lahayn. Markaasay uurka iska oranaysaa, Yaa iga aamusiya. Marmarna intay ka kacday qol cidla ah isku xiraysaa, ee ku fekereysaa.
Cunto u dhadhanta goor ugu dambeysay garan mayso. Waqtiga cuntadu marka uu soo dhawaado way ka naxdaa. Markii hooyadeed ku khasabto ayay korka ka taataabataa. Marna way ka dhuumataa, si aan loogu khasbin. Waa taas baaba’day ee
dharkeedii ka yaraatay. Away bilicdeedii indhuhu kala boobi jireen, rag badan oo u soo baratamayna ku hungoobeen? Waa taas il go’dee abaarsatay, sidii ubax gu’ barwaaqo koriyey, ka dibse dabayl xagaa dharbaaxooyin naxariis la’aaneed ku dhufatay!
Waa kaaf iyo kala dheeri Maana-Faaydaan madoobaatay ee murugo awgeed maryihii iska beddeli wayday, iyo tii shan bilood
ka hor meeshii ay soo gashaba muusikada farxaddu u yeeri jirtey, dunidoo dhanna quruxda iyo qosolka ka buuxin jirtay?
Bal isu fiiri saaka iyo subaxdii iyadoo sida dheemanta u hillaacaysa ay taagnayd Shaneema Xamar horteeda. Subaxdaasi
taariikhda Maana-Faay meel weyn bay ka gashay. Intay ifka saaran tahayna maskaxdeeda ka go’i mayso.
Markay in yar joogtaba way ku soo dhacdaa. Waxaa hor yimaada muuqaalkeedii il qabadka lahaa ee marba gaari isu taagayey, iyana ka sii jeesanaysey. Waxay qabtey dharkii dugsiga, buugaagtiina gacantay ku haysatay. Waxay sugaysey tagsi
dugsigeedii u sii dhaweeya. Tagsigii waa ku soo daahay. Iyadoo weli sugaysa, ayay gadaasheeda ka maqashay cod aan ku
cusbayn una caddayn oo ku soo qaylinaya, “Maana-Faay! Alla waa iyadii!”
Dib bay u jalleecday. isla markiina ku orodday markay aqootay, “Weey Sahra, ii warran abbaaye!”
Waa la isku dhagay, dhabannada la iska dhunkaday. “Naa ii warran intee ka baxday beryahaan?”
“Allaa! Shimaa isugu keen dambaysey! Hal sano camal waa dhan tahay, haye! Haddii shakho la helo, dad ma la soo salaamaayo,
maahoo Sahra?” “Qof xun baad noqotay Maana. Maxaad iigu imaanwayday, waad
ogtahay anigaa guri firaaqa ah keligay daggene?” “Cawadaan kuu imaahaa.”
“Waa yahay, caawaynnu si fiican u sheekeysan doonnaa, hadda shaqaan ku ordayaa, adiguna dugsi baad u socotaaye, caawa hal saac baan ku sugayaa, ciddiina igu salaam, yaa macaantey?” “Haye abbaay. Jaaw hee.”
DHAMMAAD
Qeybtii 2aad
Comments
Post a Comment
Ra'yi