Kalmada wanaagsan waxay bedelikartaa qof dhan noloshii

SIYAD Sabti 17 Abriil 2021- Maalin maalmaha kamid ah
Toomaas Edhison

wiilkii yaraa Toomaas Edhison wuxuu yimid guriga isagoo kayimid iskuulka, wuxuu warqad uu waday udhiibay hooyadii kuna yiri " hooyo warqadaan waxaa isoo dhiibay macalinka wuxuuna I yiri " hooyadaa warqadaan ugee hana aqrido kaligeed ", hooyadii waxay bilowday inay warqadii aqriso, wiilkii yaraana inta horteed fariistay ayuu isaga oo dhoolacadeynaya ku yiri " maxay leedahay warqaddu ?"
Hooyadii indhaheeda illin ayaa soo joogsatay kadibna waxay bilowday inay warqadda kor ugu aqrido wiilkeeda....
" wiilkaagu waa wiil hanad ah (hibo leh, cabqari ah, hal-abuur leh maskaxdiisu ay cajiib tahay), Iskuulkaan isaga mid u qalma ma ahan aadbuu Iskuulkaan u yaryahay mana lahan macalimiin ku filan oo isaga waxbara', fadlan adigu waxbar "!.
Hooyadii waxay bilowday inay wiilkeeda waxbarato...muddo ayay wax baraysay kamana quusan maalinna illaa ajashii u timid oo ay aduunka katagay, sanado badan kadib geeridii hooyadii Edhison wuxuu noqday mid kamid ah ikhtiraacayaasha wadanka kuwooda ugu waaweeyn ee Aduunka oo dhan caan kanoqday, maalin maalmaha kamid ah isagoo baaraya waxa yaabaha hooyadii kadhimatay ayuu wuxuu boorso yar kadhex helay warqad duuduuban oo aheed warqaddii macalinkiisii hore usoo qoray hooyadii wuu furay warqaddii, fariinta ku qoran warqadda waxay aheed " wiilkaagu waa mid maskax ahaan dhimman. Mana u ogalaan karno inuu kasii mid ahaado iskuulkeena. Waana ka cayrinay iskuulka "! Edhison dareenkiisii ayaa isbadalay....
Wuxuuna buuga Xasuus-qorkiisa ku qoray
" Toomaas Edhison wuxuu ahaa cunug maskaxdiisu dhimmantahay oo Hooyadii kadhigtay Hanadka/Cabqariga wadanka "!

W/Q. Abdisalam Siyad 

Comments

Popular posts from this blog

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen (1001)

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 1aad