QABBAABIIS Qeybtii 2aad
SIYAD- Jimce 28 maajo 2021-
Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e Nin ka duday distoorkioy waxyiga diinti ka carrowye Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii naareede Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane.
Waxaan fadhiyaa kursiga afraad ee safka koowaad waxaa horteena taagan mid kamid ah musharixiinta u tartamaysa xilka gudoomiyaha ardada jaamacadeena, waa wiil joogiisu dheer yahay oo midab maariina leh si kalsooni ku jirto ayuu u hadlayaa suulka iyo carabkiisuna aad bey iskula socdaan, markuu hadal sheegaba waxaa lagu dhiiri galinayaa sacab si xamaasad leh gacmaha la isugu dhufanayo marna ay naga dhabqeyso
Hadalada khudbadiisa waxaa ugu badnaa inuu horumar gaarsiin doono ardada intii waqtigu ku simo, waxaan eegayaa dhinacyada ardada meesha fadhidaa qaarkooda wey dhoolacadeynayaan qaar hoos bey u hundhuraan oo teleefanno iyo iskood ayay iskula faqayaan oo khudbadaha qaar kuma socdaan, wiilkii wiil baa kadanbeeyay kasii shidan, gabarbaa kasii danbeysay mid kalaa kasii danbeysay maalintaa khudbaduhu waxay ahaaayeen kuwa musharixiintu ku soo jiidanayaan ardada kale ee dooranaysa si ay codkooda u helaan nin walbaa ceesaantiisa ceelka keen!, xalay illaa beri galinka hore waa olole kii ugu xooganaa oo ay musharixiinta iyo inta la fasala iyo inta lakuliyada ay wadaan, waxaa laga dareemayaa xaafadaha iyo degmooyinka muqdisho gawaarida raxan raxanta u socoto ee aad moodo kuwo aroos lagu galbinayo, taleefanada mashquulka ah shirarka kookooban ee saacadba saacadda ah iyo shukaansiga ardada waa howl aad moodo in ay dad madaxweyne dal dooranayaan, musharixiintu waxay ka kala socdaan kuliyado kala duwan qaarkood waxay u tartamayaan gudoomiyaha ardada qaarna xog haye iwm sidaa darteed waxaa dhacaya iskaashi kuwa doonaya gudoomiyaha waxay gashaanbuursi lasamaysanayaan kuwa doonaya xog hayaha iyagoo isku waafaqaya in gudoomiyaha kuwa doonaya ay kuwa xoghayaha doonayaa lasoo saaran gudoomiyaha kuwa gudoomiyaha doonayaana ay kuwa xoghayaha doonaya lasoo saaraan xoghayaha waa sheeko wareerkeeda leh dhibsaasase lahayn hadii ay xoog faniinadu xoogooda sii laba jibbaaraan, wacitaanka ardadu waa daqiiqad daqiiqad hebel miyaa, heblaayo miyaa iyo codka nasii waa musharax hebel ama heblaayee ayaa soconeysa illaa waagu dillaacu kaarka ku hadalkuna ma aha mid dhammaada! qaarkood ardadii ay waceen ayaa intey hurdadii kaqaseen xanaaq dartii war-lalisyadii ka dansadey.
Halgan iyo howl badan kadib qofkastaa isagoo ciid gooniya u tahay oo ardaydii, musharixiintii, guddigii doorashada, macalimiintii iyo maamulkuba si heersare ah la isugu soo diyaarshay doorashada ayaa hoolkii jaamacada la iskusoo shubay,Saacado lafadhiyay oo howlo farsamo iyo hagaajinta xafladu socdeen waxa ay gudidii doorashadu ku dhawaaqeen in doorashadu ay bilaabatay lana codeynayo, waxaa kamid ahaa ardadii codeyneysay warqadda waxaa ku qoran afar musharax waana inaad ukala codeysaa oo labo doorataa labana aad katagtaa dhammaan codeeyaashuna sidaabey sameynayeen, war yaanan kugu daaline saacado kadib codeyntii waa lasoo laabtay iyadoo labillaabay tirintii codadka laguna dhawaaqayay musharixiinta magacyadooda, hebel baa wadata mayee heblaayaa wadata buuqo iyo qeylo ayuu noqday hoolkii war aamusa... hala aamuso iyo billaa calayk ayuu guddigii doorashada oo tirintii codka ku janqaraaray aradadii ku yureynayaa heer ay markii danbe buuqii intuu batay maamulkii soo istaagay oo ku yiri qofkii qalad lagu helo ciqaabtiisa ayuu mudan doonaa markii doorashadu dhammaato.
war iyo dhammaantii doorashadii waa lagu kala baxay.... qalaas waxaa guddoomiye loo doortay Maxamed hoddanna xoghaya xukuumadda mar waa damaashaad marna waa murugo waa sida ay aheed xaalada hoolka anigu labadii qof ee aan u codeeyay mid ayaa soo baxay midna waa laga adkaaday yeelkeeda arintu haday sidaa u dhacday maxaa khaldan? maxay aheyd doorashada ardeydu ku doorteen midka ay doorteen? Maxayse tahay diidda ay iska diideen iney doortaan kuwa aan ladooran? ma aqoonbey ku doorteen? makuliyad ahaanbey ku doorteen mise wax kale ayaa jira ?
aan dib kuugu celiyo kaamirada eeg halkaan waxaa ku shiraya Maxamed iyo asxbaatiisa waa habeenkii kahoreeyay maalinka doorashada waa wiilkii sida kalsoonida leh u hadlayey ee aan kaaga sheekeynayey waxa uu lahadlayaa asxaabtiisa waxaa laga hadlayaa sideen ku heli karnaa codad badan?
Faadumo ayaa hadalka qaadatay iyadoo codkeedu xabeeb lahaa hoosna u hadlaysa waxay tiri: anigu waxaan dhihi lahaa gabdhuhu gabdhaha hasoo shukaamiyaan, wiilashuna wiilasha hasoo shukaamiyaan waaba intaas maxaa lee isku dhibaa!?
May abaaydeey waxaa la soo booday Baa cali : meeshaan waa arkoosiin cod badan aa loo baahan yahay marka hadiin qafkasta qaraabadiis qaf walboo eh nadooro aas dhaho ka warambo?
Waxaa usoo baxday in qaababka ugu weyn ee ay ardada codka kaga heli karaan ay tahay In qofka lagu soo xero galiyo:
1 isku kuliyad ayaan nahay ama
2. Qabiil !
Intaas waa inta ugu kooban ee aan dhihi karno waa la isku doortay wey jiraan qaabab kale sida in lacag labixiyo balan loo qaado xubnaan idin siineynaa iwm.
Ardadii ayaa dhegta isugu sheegaya hebel ama heblaayo dooro sababtoo ah waa reer hebel ee meesha iga/naga dhisa, dadka qaar ee cod bixiyaasha codka ka dalbanaya waa ardo kale oo jaamacado kale dhigta oo u ololeeynaya musharixiintaan jaamacadeyda ah si qabiileysan, waa laga yaabaa inaadan sidaa u ogeyn oo aad tiraah waa huuhaa aan waxba ka jirin laakiinse waa xaqiiqo taal xarumaha waxbarashada ee dalka maanta min iskuul illaa jaamacad oo ah halkii looga dhaqi lahaa qurunkaa!
Kuma eka doorashooyin ardey ee xarumo waxbarasho kaligeede waxaa ka daran ardada masaakiinta ah ee laaluushka macalimiintu qaar ee xarumaha waxbarashada ay kaqaataan ardada dhibco aysan shaqeysan siiya kuwii laaluush bixiya, kuwii dhibcohooda si xalaal ah u shaqeysteyna dhulka dhigaya intaa sidoo kale waxaa dheer in indho-aqoon iyo isfahan wax ay ku sheegaan ay ardada cadaalad darada intaa la eg ay ku sameeyaan il-madowda u asqowday aqoonta lagu dhiig-miirto oo dhididkii ay cuni lahaayeen aqoon darteed doonaya iney ku badashaan ku daacdaacsanaya!
Oo intay xinjiraha dhiigooda mushaar kadhigataan ku ababinaya qabyaalad iyo musuqmaasuq.
FG. Musharixiinta tartameysa iyo kuwa u ole oleeynaya ma aha isku qabiil, balse qabiil ayuu qofkaste wax uga ole oleeynayaa.
Comments
Post a Comment
Ra'yi