Labo Sano kadib Qaraxii Xarunta Gobolka Benaadir
Siduu Ku dhacay Qaraxu?
Qiyaastii Saacad ka hor xiliga qaraxa waxaa kabaxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Denjiraha u qaabilsan Soomaaliya QM Jeemis Iswaan oo shir lalahaa Gudoomiyaha Gobolka En. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow kadib kulankaa waxaa lagu balansanaa iney shir yeeshaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir iyo Guddoonka Gobolka iyadoona kulankaasi ahaa mid todobaadle ah oo daaranaa arimaha gobolka oo amnigu kamid ahaa.
Abaaro 4:30 kii Galabnimo 24 Julaay waxaa si lama filaan ah loo maqlay jugta Qarax aad u weyn oo ka dhacay xarunta gobolka Benaadir halkaas oo uu shir uga socday Gudoomiyeyaasha Gobolka iyo Gudoonka Gobolka, iyadoona goobtu mid boor, qiiq iyo holac is qabsadey………daqiiqado kadib waxaa iyaga oo dadaal muujinaya meesha soo gaarey gaadiidka deg degga ah iyagoo dhaawaca iyo meyd kuwo ku dhawaa meesha ka qaaday, waxaa isla markiiba qaraxaas ku dhintey siddeed kamid ah saraakiish gobolka laguna kala magacaabi jiray:
1. Cabdifitaax Cumar Xalane (Agaasimihii Nadaafada Gobolka Benaadir)
2. Mahad Cilmi Cali (Gudoomiyihii Deg. Waaberi)
3. Sabaax Cabdulaahi Asad (Gudoomiyihii Deg. Cabdicasiis)
4. Cabdullaahi Cali Dheere (Shaqada iyo Shaqaalaha Gobolka Benaadir)
5. Eng. Shuuriye (Agaasimihii Injineeriyada/Qorsheynta Goboloka Benaadir)
6. Abuukaate Xasan Maxamed Sabriye (Lataliyihii Arimaha Ganacsiga Gudoomiyihii Gobolka)
7. Sahra Maxamed Amiin Markaysi (kusimahii Gudoomiyha Deg. Shangaani)
8. Iyo Basiiro Cabdi Maxamed oo aheed Gudoomiyhii naafada Gobolka Benaadir.
INAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN………
Dadka dhaawacmay ee Dhaqtarka loola cararay waxaa kamid ahaa Gudoomiyihii Gobolka Benaadir Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (yariisow) oo markaa lasheegayey in dhaawiciisu uu ahaa mid aad u daran oo halis ah, agaasimaha xiriirka Degmooyinka Gobolka, Gudoomiyihii Deg. Wartanabada Seynab xaadow iyo masuuliyiin kale.
Waxaa sii darsatay xaalada Gudoomiye Eng. Yariisow iyadoona dowlada Qadar ku qaaday diyaarad kuwa degdeg ah oo lagalahaa isla dalkaa Qadar, dhaawaca qaar ayaa loo qaaday dalal kale.
Todobaad kadib oo xaalada gudoomiye yariisow marba mar kasii dareysay 1dii bshii 8aad war-lalisyo kasoo dhacay dhankaa iyo Dooxa waxay Seyrinayeen geerida Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) INAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN………
Siduu ku suurto-galay in uu gaaro Qaraxu gudaha Xarunta?
Marka laga hadlayo sugida amniga Xarunta Gobolka Benaadir waxaa lasheegaa in Qofka doonaya in uu galo xarunta Gobolka Benaadir la marsiiyo baaritaano adag, waxaa lagu baaraa qalabka sheega waxyaabaha birta kasameysan oo qofka la hubinayo in waxyaalaha qarxa uu wato ama ay ku rakibanyihiin jirkiisa iyadoona lamarsiiyo saddex Bar-hubin oo kugu qaadaneysa kudhawaad 15 daqiiqo suunka ayaa lagaa bixinayaa kabaha ayaa lagaa siibayaa, qalabka aad wadatid ayaa labaarayaa adiga dhan far iyo food waa lagu baarayaa, hadaba waxaa isweydiin mudan sida ay ku suurto gashay in qaraxaas soo galo gudaha xarunta?
Baaritaan hordhac ah oo ay sameysay Dowladu waxa ay ku jawaabtay in cidda kadambeysay Qaraxaasi uu ahaa haweeneey lagu magacaabi jiray Basiiro Cabdi Maxamed oo ah gabar naafo ka ah araga oo aheed Gudoomiyaha Naafada Gobolka Benaadir iyo kaaliyaheedii Degan Cabdulaahi Cali.
Sidoo kale waxaa la ogaadey in magacyada labada gabdhood ay ku joogeen xarunta Gobolka ahaayeen ku been ah magacyadooda dhabta ahna ay yhiin Maryan Cabdiraxmaan Muxumed Abiikar (Basiiro) iyo Hodan Xasan(Dagan) balse waxaa xusid mudan in labadooda kaliya aysan aheen dadkii aan labaarin ee xarunta gobolka maalintaa qaraxu dhacayey.
Dowladu waxa ay sheegtay in baaritaanku uu socdo oo aysan faahfaahin bixin Karin kuna soo koobtay hadalka in cidda qaraxa kadanbeysay ay ahaayeen Basiiro Cabdi Maxamed oo magaceeda dhabta ah uu ahaa Maryan Cabdiraxmaan Muxumed Abiikar iyo Dagan Cabdulaahi Cali oo magaceeda dhabta ah uu ahaa Hodan Xasan ( oo aan ilaa iyo hada la ogeyn meel ay jaan iyo cirib dhigtay).
waloow aysan jirin cid ay ilaa hada ay Dowladu u xirtay dhacdadaas, warar lagu kalsoon yahay waxa ay xaqiijiyeen mardambe in kiiskaas gabi ahaanba lajoojiyey.
Labo sano kadib waxaan cidna loo ciqaabin, miiskana lasoo saarin cadeymo dhameystiran cidda geysatey Qaraxaas iyo cidda ka masuul aheed mas’uuliyad daradii xaga amni ee fududeysay Qaraxii 24 luulyo 2019 ka dhacay xarunta Gobolka Benaadir kaas oo sababay dhimashada dad qaaliya, waxaa xusid mudan in Qaraxaasi ay sheegteen Ururka Al-Shabaab.
Eedeysanayaasha
1. Bassiro Cabdi Maxamed/ Maryan Cabdiraxmaan Muxumed Abiikar (wet dhimatay).
Taariikh Nololeedkeeda oo kooban
Magaca: Maryan Cabdiraxmaan Muxumed Abiikar
Hooyada: Faadumo Cali Abiikar
Qaraabada: Xasan Maxamed Abiikar (adeer)
Basiiro waxay kasoo baxday Dugsiga Al-Nuur ee ay dhigtaan dadka araga naafada ka ah iyada oo ku biirtay 2011 bishii 12aad, waxay ku baratay farta loo yaqaan ”Baraylka” ee ay wax ku akhriyaan dadka araga la’.
Gabadhaan waxay ahayd gabar firfircoon oo dhex gasha qeybaha kala duwan ee bulshashada taas oo sababtay in ey xubin kanoqoto guddiga naafada qaranka 2016kii sanad kadibna waxay aasaastay ururka horumarinta haweenka ee lagu magacaabo SOWDO.
Waxay lakulantay dhowr madax oo kala duwan oo ay kamid yihiin madaxweynayaashii ugu danbeeyay ee kursiga ku kala danbeeyey, wasiiro, xildhibaan iyo musuuliyiin kale oo ugu muhiimsanaa kulamadii ay la yeelatay gudoomiye yariisow oo ahaa ruux ku suntanaa kaalmeeynta kuwa garabka u baahan.
Xiriir ma lalaheed Al-shabaab
Basiiro iyo Dagan waxaa lasheegay in ay qaateen labo fasax oo kala hooreeya dhamaadka bishii maajo, saraakiisha amniguna waxay sheegeen in xilligaa laba gabdhood u safreene dhulka ay al-shabaab ka taliyaan, sidoo kale waxaa la ogaadey in gudoomiye Inj. Yariisow siiyey Basiiro cabdi lacag lagu sheegay 10kun oo dollar kadib markii markii basiiro sheegtay in ay u xir xiran tahay dhankaa iyo Hindiya oo ay arimo Caafimaad ugu safrayso xogta sodcaalkeedana cid kale lama wadaagin aan ka ahayn dhowr qof oo ay dhegta ugu sheegtay.
Baaritaan laga sameeyay dhinacyo badan oo ugu muhiimsanaa dhanka sodcaalka waxaa la ogaadey ineysan kabixin dalkaba, waxaana loo maleynayaa iney u safartay deegaanka Tooratoorow ee gobolka Sh. Hoose oo ay gacanta ku hayaan ururka Al-shabaab.
Sidookale waxaa la oogaadey iney xiriir lalaheed labo qofood oo jooga deegaanka Buqaqable kuwaa oo katirsan ururka Al-shabaab ahna qaraabada Basiira waxaana lagu kala magacaabaa:
1. Xasan Maxamed Abiikar ( mid kamid ah saraakiisha canshuur-qaadayaasha Al-shaab) oo ah adeerka basiiro iyo
2. Faadumo Cali Abiikar ( u dhaqdhaqaaqe arimaha Al-shabaab) oo ah Hooyada Basiiro.
Qoyska basiiro waxay sheegeen ineysan gabadha shaqo ceynkaas ah aysan ku ogey, sidookale aabaha Basiiro waxaa lasheegay inuu san ku nooleyn dhulka Al-shabaab ka taliyo.
2. Dagan Cabdulaahi Cali / Hodan Xasan
Kaaliyihii Basiiro
wax intaa dheer oo faahfaahin ah lagama hayo dagan/Hodan
F.G: Xogtaan waa qabyo
Xogta ugu badan halkaan kasoo qoray: Galka Baarista
W/Q: Abdisalan Siyad
Comments
Post a Comment
Ra'yi