MACALINKU WUXUU BADALAA DAQANKA QOFKA (WAXAA TAHAY DOQON!)
“ Waxaan ahaa ardey
dhigta Dugsiga hoose, macalimadeydu waxay aheed mid mar walba igu hor caayda
ardada hortooda waxay I dhihi jirtay waxaad tahay DOQON! Ardaduna wey igu
maadsan jireen illaa anigu lafteydu aan aaminey inaan ahay doqon.
Waxaa dhacdey in
macalimadii sanadkii xigay la badalay oo macalimad kale ay badashay, maalintii
koowaad ee ay fasalka soogashay su’aasheedii koowaad waxaa alle qadarey iney
aniga iweydiiso balse ardeydii ayaa halmar wada qosolay! Iyagoo wajiyadooda
kamuuqato iney layaabanyihiin doqonkii oo maanta la su’aalayo.
Macalimadii waxay
fahantay arinka oo wiilka ay su’aasha weydiisay yahay mid lagu jeesjeesayo,
cashirkeedii ayay iska wadatay; markii xiisadii dhamaatay ayaa gacanta I
qabatayn waxayna ii qortay gabay carabi ah oo dhowr beyd ah waxayna igu tiri
soo xifdi gabaygaan sida aad u xifdisantahay magacaaga cid ha u sheegin
arinkaan (inaan kuu qoray gabaygaan) xataa hooyadaa, waayahay ayaan ku iri
waxaanan gurigii.
Cawadii oo dhan
waxaan xifdinayay Gabaygii ilaa lagaaro xili danbe, subixii markii lagaaray
waxaan aadey Dugsigii macalimadii waxay saartey sabuuradii Gabaygii markii ay
dhameysay qoritaanka ayay ilbiriqsiyo gudahood ku tirtirtay dhamaan gabaygii
sabuuradda ku qornaa. waxay fasalka weydiisay yaa wax ka xasuusta gabaygii
imika aan qoray? Dhammaan ardadii indhaha lawada taagay! Waxaase se gacanta
taagtay aniga! Waa la yaabay oo layaabay!! Alla ma doqonkiibaa maanta wax ka
jawaabaya tolow muxuu sheegi doonaa?!!
Ileen waxaan ahay nin
horey usoo xifdiyaye waxaan u durduriyay sidii kal-faatixa ardeydii indhaa ka
soo haray oo afkiiba juuqda gabay, macalimadeydii iyadoo ii dhoolacadeyneyso
ayaa markii aan dhameey tiri hagaag, fasalkiina tiri haloo sacbiyo…… sacab ayaa
isqabsaday fasalkii.
Mudo Todobaad ah ayay sidaa ii dhiiri
galineysay macalimadeydii illaa fasalkii ii arkay nin aqoon leh firfircoon oo
wax goosa kara, aniga laftaydii yididiilo iyo awood ayaa isoo gashay waxaan noqday nin naftiisa ka adag, dugsigii
dhexe, sare iyo digriigeygii koowaad ee jaamacada waxaan ahaa nin dhibcaha uu
baasayaa ahaayeen kuwo heer sare ah hada oo aan warqadaan qorayana waxaan ahay
Master degree nolosha heer sare ka gaaray……… Alxamdulillaah. Mahadsanid
Macalimadeydii.”
Qisadaan waxaa mid
kamid ah joornaalada wadanka masar ku daabacay aqoonyahan u mahad-celinaya
sidoo kalena ka sheekeynaya sida macalimadiisii dugsiga hoose hoorseedka ugu
aheed guulaha uu wax barashada ka gaaray,
WQ: Abdisalan Siyad
Comments
Post a Comment
Ra'yi