Dambiilihii 40 Sano Kadib La Ogaaday


Waa subaxnimadii bishii koowaad Sannadkii 2005, Cheryl iyadoo samaysanaysa shaah sida caadiga ayaa albaabka lasoo garaacay, ninkeeda Bobby oo aad u hurda fudud Wuu maqlay garaaca albaabka wuuna soo kacay, markii ay eegtay waaba ciidamo Boliis ah.

Markii hore wax walaac ah iguma jirin sababtoo ah haweenay dariska ila ah ayaa ahayd mid rabsho badan oo 24 saac Boliisku yimaado gurigeeda markaa waxaan is lahaa way kugu soo qaldameen ayay tiri Cheryl oo uga warantay qisadeeda wargeyska Humans Of New York.

Laakiin waxay tiri markii aan albaabka furay 12 sarkaal oo Boliis ah ayaa guriga si xoog ah iigu dhaafay oo gudbay, waxay tiri waxay toos u abbaareen qolka jiifka iyagoo laba dible usoo xiray Bobby laakiin anigu war mahayo oo waaba la yaabanahay ayay tiri sida wax u jiraan.

Intaa kadib waxaan maqlayey su'aalo yaab leh oo ninkayga la waydiinayo, magacaa?  Bobby Love, war sheeg magacaaga runta ah isaguna wuxuu si hoose oo daciif ah ugu sheegay magac aanan maqlin markaas, laakiin FBI waxay ku yiraahdeen saaxiib waqti dheer baad is qarisay laakiin maanta waa lagu qabtay.

Markii Bobby la xiray ee laga saarayey guriga ayaan qayliyey ayay tiri oo waydiiyey sida wax u jiraan, kadib ninkeeda ayaa ku yiri, Cheryl waa qiso dhacday intaynaan is guursan sababta la ii xirayaa.


QISADA BOBBY LOVE

Qisada runta ah ee ninka la baxay Bobby Love aan idiinka sheekeeyo, magaciisa saxda ah waxaa la oran jiray Walter Miller lixdameeyadii ayuu ku koray gobolka North Carolina ee dalka Mareykanka, wuxuu ku koray nolol fakhri ah hooyadiis waxay la daalaa dhacaysay daboolidda baahida 8 caruur ah oo uu isagu ku jiro sidaas darteed wuxuu dareemayay in nolosha lagu dayacay.

Habeen habeenada ka mid ah ayuu soo aaday riwaayad uu dhigayey heesaagii waqtigaas ugu caansanaa ee la oran jiray Sam Cooke, kadib dadkii fadhiyey dhexdoodii ayaa buuq iyo dagaal ka bilaabmay isaguna wuxuu ku jiray dadkii la xiray ee lagu eedeeyey dambiga meesha ka dhacay, halkaas ayayna ka bilaabmatay noloshiisii mooryaanimadu.

Rabshadii Sam Cooke riwaayadiisa oo ahayd 1964-kii wixii ka dambeeyey waxaa maalin kasta rikoorka ii galayey dambi kale oo cusub, waxaan bilaabay xatooyo iyo inaan dadka boorsoonyinka ay baabuurta uga dhex tagaan qaato iyo dambiyo fara badan oo kale.

Maalin ayuu iskuulkiisa ka sameeyey xatooyo markaas ayay dawladdu u wareejisay xarun xabsi oo kale ah oo ilmaha noocaas ah lagu hayo. Wuxuu yiri Walter waxaan aad u karaahiyaystay meeshii la igu xiray noloshii ayaan nacay laakiin waxaan dareensanaa in aan sababta anigu lahaa oo rabshoole noqday.

Jirkayga oo dhan wada nabar buu noqday sidii la ii garaacayey oo meesha waxaa ku xirnaa ciyaal midba midka kale kasii xun yahay oo lasoo aruurshay, habeen kasta markaan seexanayo waxaan maqli jiray codka tareen xarunta dhinaceeda mara waxaanna ku fakari jiray inaan maalin uun meeshaan ka baxsado oo u cararo dhanka uu codkaasi iiga iman jiray.



Maalin ayaan helay fursad aad u qaali ah kadib markii aan arkay albaabka oo furan iyo waardiyihii oo mashquulsan markaas ayaan orod ku baxsaday anigoo afka saaray halkii aan codka tareenka ka maqli jiray, taasi waxay ahayd baxsadkii ugu horeeyey noloshayda.

Wuxuu soo raacay tareenkii oo uusan markaas ogayn halka uu u socdo laakiin sanaddo badan uu maqli jiray codkiisa, nasiib wanaag tareenku wuxuu keenay Washington DC oo ah caasimadda Mareykanka halkaasna waxaa daganaa walaalkiis, wuxuu halkii ka bilaabay nolol cusub walaalkiis ayuuna la noolaa wuxuu galay dugsi sare.

Nasiib xumo Walter wuxuu mar kale la saaxiibay dhaliyaro burcad ah oo aad u xun, dhalintaan uu la saaxiibay waxay ahaayeen kuwo sameeya dambiyo aad u waaweyn, waxay aadi jireen gobolka North Corolina waxayna soo dhici jireen bangiyada maadaama waqtigaas gobolkaasi ahaa halka ugu amaanka xun oo ay u fududayd in ay wax kasoo dhacaan.

Walter iyo saaxiibadii waxay heleen lacag aad u fara badan waxayna dareemi jireen inay yihiin rag yaableh oo burcad ah jeebabkuna waa u buuxsameen.

Wixii ay bangi dhacaan oo ku guulaystaanba Sannadkii 1971-kii ayaa la qabtay Walter iyo saaxiibadiis iyagoo bangi dhacaya oo fal aad u foolxun gacmaha kula jira, bangi la dhacona waa mid ka mid ah dambiyada ugu waawayn dalkaas, bangiga ay dhacayeen markaas wuxuu ahaa mid casri ah oo lagu xiray system ama hab Boliiska ogaysiinaya haddii dhib dhaco iyagoon ogayn.

Walter wuxuu isku dayay inuu baxsado laakiin Boliis-ku way cayrsadeen xabad ayay ku dhufteen kadibna way qabteen, Walter waxaa lagu xakumay xabsi 25 ilaa 30 sano ah dhowr jeer uu rafcaan qaatayna waa laga diiday, hooyadii waxay dhimatay isagoo xabsi ku jira wuxuuna dareemay murugo iyo ciil , rajada kaliya uu lahaana waxay ahayd in xabsiga laga wareejiyo sababtoo ah wuxuu ahaa xabsi dhib badan.

Si loogu wareejiyo xabsi midkuu joogay ka fudud wuxuu badalay dhamaan dhaqankiisii oo wuxuu noqday nin aad u fiican waana lasoo wareejiyey oo waxaa la keenay xabsi aad u nolol fiican oo uu raaxo ku dareemay.

Xabsigaan wuxuu ka shaqaynayey Raadiyo xarunta ku yaal noloshuna waa isugu toosnayd marmar jimicsi ayaa banaanka xabsi loogu saari jiray, laakiin wax kasta waxay is badaleen markii lagu eedeeyey dambi uusan galin kadibna kabtankii xabsigu rikoorka u galiyey ayna ku markhaati fureen kuwii dambiga galay oo maxaabiista ka mid ahaa.

Intaas kadib wuxuu galay dambiyo badan oo waxaa la go'aamiyey in xabsigii hore ee ciqaabta lagu celiyo, xaalku siduu sidaas u ahaa ayaa dawladdu waxay go'aamisay in Walter lagu daro maxaabiis la ciqaabayey oo la rabo inay nadiifiyaan jidadka, subax kasta waxaa la kicin jiray xilli aad u horreeya isagoon hurdo ku filan seexan waxaana lasoo saari jiray bas u socda Magaalada Raleigh oo ah magaalada ay nadiifin doonaan, dadku waxay si ku talagal ah iigu soo tuuri jireen buu yiri haraaga cabitaanka iyo cuntada hambeegarka waliba waqtiga oo ahaa xiligii qaboowga bal qiyaas biyo korka lagaaga daadshay.

Silica iyo saxariirka aan ku jiro waan arkayaa ayuu yiri Walter laakiin waxaa ii muuqday fursad aad u fiican oo aan ku baxsan karo.



Baxsashadii Walter.

Walter isagoo ka sheekaynaya siduu ku baxsaday ayuu yiri waxaan bilaabay inaan xoogaa lacag ah aruursado, waxaan kaloo maalin walba qoran jiray wax kasta oo akhbaar ah oo ii sahlaysa inaan baxsado, maalinta talaadada waardiyaha na qaada wuxuu ahaa mid caajis badan taasna waxaan u arkay fursad fiican oo aan talaadada ku baxsan karo, waxaa kaloo jirtay meel stop ah (isgoys) oo maalin kasta gaarigu ka istaagi jiray halkaasina waxay ii noqotay halka aan ku baxsan karo.

Maalin talaado ah oo ah maalinka aan baxsan doono waxaan diyaarsaday dhar caadi ah oo waxaan ku ritay alaabtii shaqada ninka waardiyaha ah ee talaadada yimaada ima baarbaari jirin waxaan soo qaato sida kuwa kale, waxaan fariistay halka ugu dambaysa baska oo ay ku taal daaqad furanta (emergency exit) markii uu baskii istaagay halkii isgoyska ahayd ayaan baxsaday.

Markii aan cararayey dhagahaygu waxay maqlayeen qaylada baabuurta Boliiska laakiin marna gadaal ma fiirin ee waan orday inta aan awoodi karay, waqti dheer markaan orday ayaan iswaydiiyey inaan tareenka qaato, qof baan lacag waydiistay ah inuu tigidhka new York iga bixiyo nasiib wanaag Wuu iga bixiyey ayuu yiri Walter.

Markaan kursiga tareenka fariistay ayaa naag dhinacayga fadhida sheeko igu bilowday, waxay i tiri magacaa, aniguna waxaan ku iri Bobby Love, halkaas waxaa maalintaas iiga haray magacaygii runta ahaa. Bishii November  Sannadkii 1977-kii ayaan imid Magaalada New York waxaan aad ugu baahi qabay inaan nolol cusub bilaabo, lacag yar oo jeebka iigu jirtay ayaamihii ugu horeeyey ayay iga dhamaatay hotelkiina waa la iga saaray kadib waxaan noqday banaan joog (homeless).

Bobby wuxuu nasiib wanaag helay dukumentiyo muhiim u ahaa noloshiisa sida social security number iyo driver licence, wuxuu shaqo yar oo 8 dollar ah ka helay hotel uu habeenkii ka shaqeeyo sidaas ayuuna muddo ku dabbirayey noloshiisa.

Bobby markii dambe wuxuu shaqo ka helay makhaayad ku taal xarun caafimaad dhexdeeda xaafadda Brooklyn halkaas oo uu kula kulmay Cheryl oo noqon doonta xaaskiisa caruurta badan u dhashay, habeenkii ugu horaysayba waxaan wada aadnay riwaayad uu dhigayey Prince (Purple Rain) iyo kooxdii Gladys Knight and the Pips.

Cheryl waxay ahayd qof daacad ah oo miskiin ah anigana waxay ii arkaysay nin nadiif ah oo aad baan usoo jiitay, sidaa darteed waxaan go'aansanay inaan is guursano, laakiin anigu waan ogaa maalin uun in Boliisku noloshaan cusub burburin doonaan.

Bishii Maarso 30-keedii Sannadkii 1985-kii ayay is guursadeen Bobby iyo Cheryl isagoo 34 jir ah iyo iyadoo 21 jir ah, markiiba gabadhoodii ugu horaysay ayaa u dhalatay (Jasmine) 2 sano kadibna Jessica ayaa u dhalatay 11 sano kadib haddana waxaa u dhashay laba caruur oo mataano ah laguna kala magacaabo Justin iyo Jordan.

Bobby wuxuu ka shaqayn jiray 2 shaqo si ay reerkiisu nolol wacan u helaan, wuxuu kaloo ka qayb qaadan jiray si iskaa wax u qabso ah shaqooyinka shacabku u baahan yahay laakiin mar walba waxaa qalbigiisa dhib iyo cabsi ku hayey noloshiisii hore.

Xaaskiisa hal maalin uma sheegin sirtiisa iyo noloshiisii hore markasta oo uu u sheeg is yiraahdana baqdin ayaa gali jirtay, Bobby wuxuu bilaabay inuu la xiriiro qaar ka mid ah qaraabadiisa oo uu ku ogaa North Carolina walaashiis oo halkaas daganaydna wuxuu ka codsaday inay sirtiisa u sheegto xaaskiisa hadduu dhinto uun.

Cheryl oo ah xaaska Bobby waxay tiri waxyaalaha aan la yaabo waxaa ka mid ahaa mar kasta ninkaygu wuxuu diidijiray sawirada sidoo kale buuq yar inuu dhaco ma jeclayn xataa haddii dad jidka maraya wax weydiiyaan wajiga toos uma siin jirin aad ayaanna u yaabi jiray ayay tiri.

Kadib, waxaa dhintay Bobby walaalkiis wuxuuna go'aansaday inuusan intaas ka badan is qarin oo aaska walaalkiis aado sidii ayuuna sameeyey, ayaamo kadibna waa marka ay guriga kusoo garaaceen FBI-du.

Cheryl waxay ay tiri adduunkii ayaa igu yaraaday waxaan dareemay inaan filim samaynayey noloshayda oo dhan markaan ogaaday intaan oo sano inuu ninkaygu i khayaanay oo xaqiiqda iga qariyey laakiin sidaas oo ay tahay ma quusan waxaan go'aansaday inaanan gacmaha isa saaran ee aan caawiyo ninkayga xabsigana ka saaro.

Bobby waxaa la geeyey xabsiga caanka ah ee New York ee la dhaho Rikers Island, wuxuuna dareemay inuu guranayo mirihii uu beeray yaraantiisii, Cheryl waxay kusoo booqatay xabsiga ninkeeda oo ay sugayso xabsi ah 10 sano oo awal u harsanayd iyo sanaddo kale oo uu ku mutaystay baxsashada, markuu arkay hoos ayuu eegay isagoo oynaya ama ilmeynaya wuxuuna ku yiri waan ogahay inaad iga tagaysid oo aad i nacday, laakiin Cheryl waxay ku tiri Maya kaama tagi doono waligay dhib iyo dheefba waynu isku guursanay, waxay aragtay inuu aad ugu silcay meesha aad ayayna uga qiirootay taas ayaana khasab uga dhigtay inay u dadaasho.

Cheryl waxay u qabatay lawyer ama garyaqaan rafcaan ayaa loo ogolaaday, waxay waraaqo badan u dirtay gudoomiyaha gobolka waxay sidoo kale waraaq u dirtay madaxweyne Obama, dhamaan dadkii reerka yaqaanay iyo caruurtisii ayaa qoray waraaqo sidoo kale ay caddaynayaan inuu nin nadiif ah oo wanaagsan noqday, laakiin lama sii dayn dhakhso, iyagoo iska niyad jabsan ayaa maalinkii dambe loo sheegay in guddiga maxkamadda gobalku cafisay oo la siidaayey.

Walter Miller oo loo yaqaano Bobby Love iyo reerkiisu hadda waxay joogaan New York iyagoo aan dhib qabin.

Guud ahaan walaal intaas ayey ku dhantahay qormadan waxaan kaaga mahad celinayaa inaad wax iga siisay waqtigaaga qaaliga ah oo aad aqrisay qoraalkan.
Waa inoo qoraalo iyo warbixino kale oo xiiso badan insha allah.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Xigasho: wargeyska Humans Of New York.

Turjumadii: Ahmed bile.

Comments

Popular posts from this blog

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen (1001)

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 2aad

Taxanaha Sheekadii Maanafaay Qeybtii 1aad