Posts

Showing posts from June, 2022

MACALINKU WUXUU BADALAA DAQANKA QOFKA (WAXAA TAHAY DOQON!)

Image
“ Waxaan ahaa ardey dhigta Dugsiga hoose, macalimadeydu waxay aheed mid mar walba igu hor caayda ardada hortooda waxay I dhihi jirtay waxaad tahay DOQON! Ardaduna wey igu maadsan jireen illaa anigu lafteydu aan aaminey inaan ahay doqon. Waxaa dhacdey in macalimadii sanadkii xigay la badalay oo macalimad kale ay badashay, maalintii koowaad ee ay fasalka soogashay su’aasheedii koowaad waxaa alle qadarey iney aniga iweydiiso balse ardeydii ayaa halmar wada qosolay! Iyagoo wajiyadooda kamuuqato iney layaabanyihiin doqonkii oo maanta la su’aalayo. Macalimadii waxay fahantay arinka oo wiilka ay su’aasha weydiisay yahay mid lagu jeesjeesayo, cashirkeedii ayay iska wadatay; markii xiisadii dhamaatay ayaa gacanta I qabatayn waxayna ii qortay gabay carabi ah oo dhowr beyd ah waxayna igu tiri soo xifdi gabaygaan sida aad u xifdisantahay magacaaga cid ha u sheegin arinkaan (inaan kuu qoray gabaygaan) xataa hooyadaa, waayahay ayaan ku iri waxaanan gurigii. Cawadii oo dhan waxaan xifdinayay Ga...