Labo Sano kadib Qaraxii Xarunta Gobolka Benaadir
Siduu Ku dhacay Qaraxu? Qiyaastii Saacad ka hor xiliga qaraxa waxaa kabaxay xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Denjiraha u qaabilsan Soomaaliya QM Jeemis Iswaan oo shir lalahaa Gudoomiyaha Gobolka En. Cabdiraxmaan Cumar Yariisow kadib kulankaa waxaa lagu balansanaa iney shir yeeshaan Gudoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Benaadir iyo Guddoonka Gobolka iyadoona kulankaasi ahaa mid todobaadle ah oo daaranaa arimaha gobolka oo amnigu kamid ahaa. Abaaro 4:30 kii Galabnimo 24 Julaay waxaa si lama filaan ah loo maqlay jugta Qarax aad u weyn oo ka dhacay xarunta gobolka Benaadir halkaas oo uu shir uga socday Gudoomiyeyaasha Gobolka iyo Gudoonka Gobolka, iyadoona goobtu mid boor, qiiq iyo holac is qabsadey………daqiiqado kadib waxaa iyaga oo dadaal muujinaya meesha soo gaarey gaadiidka deg degga ah iyagoo dhaawaca iyo meyd kuwo ku dhawaa meesha ka qaaday, waxaa isla markiiba qaraxaas ku dhintey siddeed kamid ah saraakiish gobolka laguna kala magacaabi jiray: 1. Cabdifitaax...