Posts

Showing posts from April, 2020

The Pursuit of Happyness

Image
SIYAD The Pursuit of Happyness Waa filim laga jilay qiso dhab ah, qisadaasna qofkii daawada ama akhristaayi uu ku ogaanayo in noloshu aysan ahayn wax iska timaadda horumarkeedduna tahay mid dadaal dhibaato iyo rafaad badan loo maro. Si aad u gaarto meesha aad doonayso una samaysato nolol ka wanaagsan taad ku nooshahay hada. Filimkaan waxaan laga jilay qisada Chris Gardner kaas oo ahaa nin nolosha hal-gan aanan la rumaysan karin kasoo maray, halgankaas oo maanta sababay in uu noqdo ganacsade iyo guubaabiye caan ah oo la garan karo. Filimkaan waxaa sameeyay filim sameeyaha u dhashay dalka talyaaniga ee Gabriele Muccino, waxaanna arbe ka ahaa oo (Will Smith) oo doorka Chris gardener matalayay ama jilayey, sidoo kale waxaa la jilayay wiilkiisa dhabta ah ee (Jaden Smith)  waxaanna qalanjo ka ahayd filimkaan gabadha reer ingiriis ee (Thandie Newton). Qisada filimkaan ku duugan maaha wax qoraal lagu soo koobi karo balse waxaan rabaa in aan dhawrka qodob ee uu ka hadlaayo filimkaani ...

KOOFID-19 (COVID-19)

Image
SIYAD Kadigtoonow  cudurkaan Faafa ee Halista Kaas Oo Uu Sababo Dulinka Karoona (Carona Virus). Fadlan Raac Talooyinka Caafgimaadka Ee Aad Kahelayso Xarumaha Caafimaadka. Hadii Aad iskaga Shakiso Cudurkaan Fadlan  Wac Tiro-warlaliskaan  449

Eraybixinta Soomaaliga

Image
SIYAD Eraybixin waxaa ula jeedaa marka fikir, tab ama walax af ama dad aan Soomaali ahayni ay sidaan la isku dayo in loo helo af Soomaali. Eraybixin waxay noqon kartaa eray af Soomaaliga ku jira oo u dhigma midka ajnebiga ah ee lala kulmay. Waxay noqon kartaa eray Soomaaliga ku jiray oo aan awal macnahan loo adeegsan jirin, hadda ka dibse loo asteeyay. Waxay noqon kartaa eray la curiyay sida laba eray oo la isku daray si ay macna hor leh u sameeyaan. Waxayna noqon kartaa in la isla gartay in erayga laga soo ergado af qalaad. Eraybixin oo dhami waxay rabtaa in la hirgeliyo. Waa dulmar ku sameynayo Taariikha Eraybixinta af Soomaaliga. Dood Baraha Bulshada ka socotay ayaan nuxurka qormadan ku biiriyay. Akhris wacan. Dadaal kasta oo ku wajahan horumarinta earybixinta Soomaaliga waa muhiim, waana loo baahan yahay. Waase in aan ka digtoonaanno in qof waliba uu iskiis u fekero sidiiyoon hortii waxba aanay billowneyn. Soomaalidu qarniyaal ayay falgal kula jirtay sidii ay eraybi...

Dambiilihii 40 Sano Kadib La Ogaaday

Image
Waa subaxnimadii bishii koowaad Sannadkii 2005, Cheryl iyadoo samaysanaysa shaah sida caadiga ayaa albaabka lasoo garaacay, ninkeeda Bobby oo aad u hurda fudud Wuu maqlay garaaca albaabka wuuna soo kacay, markii ay eegtay waaba ciidamo Boliis ah. Markii hore wax walaac ah iguma jirin sababtoo ah haweenay dariska ila ah ayaa ahayd mid rabsho badan oo 24 saac Boliisku yimaado gurigeeda markaa waxaan is lahaa way kugu soo qaldameen ayay tiri Cheryl oo uga warantay qisadeeda wargeyska Humans Of New York. Laakiin waxay tiri markii aan albaabka furay 12 sarkaal oo Boliis ah ayaa guriga si xoog ah iigu dhaafay oo gudbay, waxay tiri waxay toos u abbaareen qolka jiifka iyagoo laba dible usoo xiray Bobby laakiin anigu war mahayo oo waaba la yaabanahay ayay tiri sida wax u jiraan. Intaa kadib waxaan maqlayey su'aalo yaab leh oo ninkayga la waydiinayo, magacaa?  Bobby Love, war sheeg magacaaga runta ah isaguna wuxuu si hoose oo daciif ah ugu sheegay magac aanan maqlin markaas, laakiin...