Sharaftaada i sii anna aan ku siiyo SAACAD aad ku ogaato goorta aan ku kufsanayo (Qiso xambaarsan xikmad ka badan tan aad qiyaasayso)
SIYAD - 04 luulyo 2020 - Madaxweynaha Ruushka Falaadmiir Buutiin baa la wayddiiyay waxa uu ka qabo eedda reer Galbeed ee ah in uu yahay keli taliye jacaylka hubka ku waalan. Jawaabtiisu wax ay noqotay sheeko uu ka soo qaatay hiddaha Ruushka, wax uuna yidhi: “Waxaa jiray qoys leh beer ballaadhan oo ku dhaqda fardo, lo’ iyo adhi, ayna dalagyo badani uga baxaan. Toddobaad walba aabbaha iyo wiilashiisa waaweyn baa waxa u soo go’a suuqa geyn jiray oo lacag ku soo heli jiray. Beerta, guriga iyo haweenkana wax ay kaga sii tegi jireen wiil barbaar ah oo ilaaliya, wax uuna ahaa wiil u tababaran adeegsiga bunduqa. Haddaba maalin maalmaha ka mid isaga oo beertii dhex wareegaya oo soohdinteeda ilaalinaya waxaa u yimid koox niman ah oo raba in ay la hadlaan, intii aanay u soo dhowaan ayuu se qorigii ku joojiyay. Dabadeed wax ay bilaabeen in ay si debecsan iyo af malab ah kula hadlaan iyaga oo leh dad nabadeed baannu nahay oo xumo kuulama soconno. Wax ay se ahaayeen budhcad caadaysatay boobk...