Posts

Showing posts from May, 2020

Cilmi baare gacanta ku hayey xog muhim ah oo ku saabsan Covid-19 oo toogasho lagu diley!

Image
SIYAD   (Ross, PA) 08-May-20 – Barofaysar ka tirsanaa Jaamacadda University of Pittsburgh oo la sheegay inuu qarka u saarnaa helitaanka “xogo wax ku ool ah” oo ku saabsan Covid-19, ayaa toogasho lagu diley. Caalimkan oo la yiraahdo Bing Liu, ayaa maydkiisa laga helay gurigiisa iyadoo ay madaxa, qoorta iyo qaarka dambe xabado uga yaallaan, sida uu sheegay Booliiska Ross Booliiska ayaa sheegay in nin lagu tuhmayo dilka Liu maydkiisa laga helay gaarigiisa kaddib markii uu soo diley barofaysarka. Booliiska ayaa rumaysan inay labada nin is yaqaanneen, balse ma cadda in “uu u diley inuu (Liu) Chinese ahaa ama xogta uu ogaan rabey,” sida uu sheegay dembi baare Brian Kohlhepp. X: Hadalsame Media

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen Qeybtii 2-aad

Image
SIYAD-thu-7-may SHEEKADII KUN HABEEN IYO HABEEN Q2AAD Waxaa sheekadaan tarjumay cabdi raxmaan xasan ateeno. Sheekada waxay noo mareysay qeybtii koowaad markii 2-dii Boqor arkeen waxa beerta qasriga ka dhacaayo iyo hab dhaqanka foosha xun ee ay ku kaceen Naagihii Qasriga oo ay ugu horeyso Naagtii Boqor Shahri-yaar, boqor shahri-yaar markuu arkay waxa naagtiisa sameyneyso ayuu caqligii ka duulay wuxuuna walaalkiisa kayar ku yiri ” nawad walaalow aan meeshaan isaga tagnee waxba ugama baahnin boqortooyo ilaa aan kasoo aragno in adduunkaan ku nool yihiin dad anaga nala mid ah ama naga liitaan” Markaas ayuu ka ogolaaday, kadibna labadoodii si wadajir ayay ubaxeen ayagoo qasriga qaab qarsoodi ah uga baxay. Waxay safar ku jiraan Maalintii dambe ayay Geed hoos fariisteen iyagoo daalan, Geedku wuxuu u dhawaa bad yaro meesha ku taalay iyagoo meeshii ku nasanaayo, ayay badii halmar kacday, waxaana kasoo baxay wax aad moodo tiir weyn kaasoocirka isku shareeray, markey arkeen waxaan ay dareemeen cab...

Sheekooyinka Kun Habeen iyo Habeen (1001)

Image
SIYAD ASC, akhristayaasha qiimaha badan ee siyad-al-cadaadi.blogspot.com magaceyga waa Siyad waxaan halkaan doonayaa inaan idinkula wadaago Sheekada caanka ah Kun Habeen iyo Habeen (1001) oo aad hada kadib maalin walbo halkaan ka akhrisan doontaan. Hadaba inta aan sheekada bilaabin macluumaad walbo oo ku saabsan Kun iyo Habeen iyo Habeen iga HOO fadlan ila soco. Waxaan ugu horeyn u mahad celinayaa Cabdiraxmaan Xasan Anteeno oo gudba-dhigay (turjumay) sheekadaan anigoo kuleh dadaalkaaga labanlaab. WAA MAXAY SHEEKADA (1001): Waa sheeko la isku khilaafay asal ahaan halka ay kasoo jeedo, dadka qaar waxay qabaan in ay kasoo jeedo boqortooyadii saasaan ee xukumi jirtay Hindiya iyo Sandi, halka dadka taariikhda wariya qaarkood kalana ay leeyihiin waxay ka dhacdayCiraaq, sidoo kale waxaa la sheegaa iney ka dhacday Masar xitaa Yahuuda waa lala xiriiriyay. Laakiin arinka xaqiiqda u dhaw ayaa waxay tahay boqorka ay sheekada ku socoto ee Shahri-yaar inuu xukumi jiray meelo...