Coronavirus: Kumuu ahaa laacibka Soomaaliya ee u dhintay coronavirus?
Alle ha u naxariistee waxaa maanta magaalada London ku geeriyooday Cabdiqaair Maxamed Faarax Biriq oo kamid ahaa falanqeeyayaasha kubadda cagta ee laanta Af-Soomaaliga ee BBC. Cabiqaadir oo sidoo kale kamid ahaa laacibiintii kubadda cagta ee Soomaaliya, una dheeli jiray naadigii bartoolka ayaa maalmahan la xanuunsanayay xanuunka caalamka hareeyay ee Covid-19. Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ka tacsiiyay geerida Biriq. Biriq wuxuu in muddo ahba ku noolaa magaalada London ee dalka Ingiriiska. Tan iyo markii uu howlgabka ka noqday ciyaaraha, wuxuu ahaa nin aad ula socda arrimaha kubadda cagta. Wuxuu ka mid ahaa falaqeeyayaasha ciyaaraha ee sida joogtada ah ula shaqeeya laanta Afsoomaaliga ee BBC-da. Maxaan ka naqaannaa rugcaddaagii kubadda Cagta ee u geeriyooday coronavirus? Mukhtaar Maxamed Axmed (Mukhtaar Cuti) oo ka mid ah ciyaartooydii ay kawada tirsanaayeen naadigii batroolka ayaa BBC-da uga warramay taariikh nololeedka marxuum Biriq oo kooban. Markii ugu horreysa...